Senatarkii hore ee Kakamega oo maanta maxkamad la soo taagaya

Boni Khalwale oo horay u soo noqday senatarka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka ayaa lagu wadaa in maanta uu maxkamad ka soo hormuuqdo.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuunan u hoggaansamin amarkii dowladda ee lagu mamnuucay in la qabto isku imaatin dadweyne si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada ammaanka ay kala eryeen dad isugu soo baxay kulan uu soo qaban qaabiyay Khalwale.
Shalay ayaa mas’uulkan hore lagu siidaayay damiin dhan 50 ,000 oo shilin ka hor inta aan maanta maxkamadda la soo taagin si loo dhagaysto dacwadda uu wajahaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here