Senatarkii hore ee Kakamega oo wasiirka caafimaadka ka dalbaday inuu is casilo

Senatarkii hore ee ismaamulka Kakamega Dr. Boni Khalwale ayaa dalbaday inuu xafiiska baneeyo wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mutahi Kagwe .
Dr. Khalwale ayaa Kagwe ugu baaqay inuu qaato mas’uuliyadda la xiriirta lacago loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID19 oo la sheegay in la lunsaday.
Siyaasigan ayaa hoosta ka xarriiqay in is casilidda wasiirka caafimaadka ay tahay fursad lagu sameyn karo baaritaano madax bannaan.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen eedeymo loo jeedinaya maamulka qaabilsan qaybinta qalabka caafimaad iyo daawooyinka ee KEMSA oo ah in wax isdabamarin lagu sameeyay 17 bilyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here