Senegal oo dib u fureysa masaajidada iyo kaniisadaha

Madaxweynaha dalka Senagal Macky Sall ayaa ku dhawaaqay in dib loo furo masaajidada iyo kaniisadaha iyo in la khafiifinayo xayiraadaha kale ee saaran wadanka kuwaas oo lagu xakameenayay fayraska korona iyada oo tirada maalin laha ah ay sare u kacday.
Madaxweyne Sall ayaa bishii Maarso amray in albaabada la isugu dhufto goobaha cibaadada iyo bandow fiidkii ila iyo aroorta soconaya.
Dalkan ayaa maalinkii Isniinta xaqiijiyay tiradii ugu badneyd ee maalin laha ah taas oo ah 177 waxaana meelaha uu ku faafayo fayraskan ka mid ah magaalada Touba.
Tirada guud ee xaaladaha coronavirus ee laga xaqiijiyay gudaha Senegal ayaa ah 1,886 kiis iyo 19 dhimasho ah.
Mr. Sall ayaa sheegay in bandowga oo bilabanyo 8-da fiidnimo ila iyo 6-da subaxnimo laga dhimayo min hal saac sido kalena dib loo furayo goobaha suuqyada.
Dhowr wadan oo ka tirsan Galbeedka Afrika oo ay kamid yihiin Burkina Faso iyo Ghana ayaa dabciyay xayiraadihii saarnaa shacabka, balse ay ku taliyeen in la xirto maaskarada lana kala fogaado.
Dalka Guinea Bissau ayaa kordhiyay mudada dalkaasi uu ku jirayo xaaladda deg dega ila 26-ka May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here