dhageyso: Senetarada dalka oo bayaan ka soo saaray muranka dhanka dakhliga

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa maanta bayaan ka soo saaray muranka wadanka ka jiro ee ku saabsan sida dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dhaqaalaha wadanka soo galo.
Senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Mr. Kipchumba Murkomen oo warbaahinta u aqriyay bayaanka ayaa eedeyn u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka dalka.
Waxaa uu golaha sharci dejinta ku eedeyay in sida uu hadalka u dhigay xubnaha ka tirsan aynan danaynaynin danaha Kenyaanka.
Sido kale waxaa uu wacad ku maray inay sii wadayaan u doodidda xuquuqda ismaamulada.
Bayaanka aqalka sare ee dalka ayaa waxaa ku xusan in 316 bilyan oo shilin loo ansaxinayo dowlad deegaanada, Mr. Murkomen oo arrimahan faahfaahin ka bixinaya ayaa yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here