Senetarada Mareykanka oo joojinaya hub laga iibinayo Imaaraadka

Saddex ka mid ah Senetarada Aqalka Saree e Mareykanka ayaa sheegay inay soo saari doonaan sharci ka hor istaagaya madaxweynaha dalkaasi Donald Trump in uu Imaaraadka ka iibiyo hub ku kacaya 23 bilyan oo doolar.
Hubkan ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka loo yaqaano iyo nidaam difaac oo kale.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo ay u harsantahay xukuumadda Trump labo bilood oo kaliya.
Senetarada xisbiga Dimuqraadiga Bob Menendez iyo Chris Murphy iyo senetar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Rand Paul ayaa wacad ku maray inay soo bandhigi doonaan afar go’aan oo kala duwan oo diidmo ah oo ka dhan ah qorshaha Trump uu kaga iibinayo Imaaraadka qandaraas balaayiin doolar ee diyaaradaha drones-ka, gantaalada kale, diyaaradaha dagaalka ee F-35 iyo gantaalada hawada la isu mariyo.
Waxaa ay sheegeen in waaxda gaashandhiga Mareykanka ay ga gaabsadeen ka jawaabida in heshiikan uu lidi ku yahay amniga qaranka.
Mr. Murphy iyo Menendez ayaa sido kale walaac ka muujiyay “habdhaqanka” Imaaraadka ee gobolka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here