Senetarka Baringo oo ku baaqay in shaqaalaha mataatuuda la tababaro

Senetarka ismaamulka Baringo ahna hoggaamiyaha xisbiga KANU, Gideon Moi ayaa Dowladda u soo jeediyay inay tababar ku aaddan cudurka COVID-19 siiso howlwadeenada gaadiidka dadweynaha ay raacaan ee loo yaqaano mataatuuda.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in tallaabadan ay kaalin weyn ka qaadan karto xakameynta cudurka.
Mr. Gideon ayaa ku nuuxnuuxsaday inay jirto baahi loo qabo in la tababaro mataatuuleyda oo la fahansiiyo siyaabaha ay uga hor tagi karaan in rakaabka ay cudurka isku gudbiyaan.
Sido kale senetarka Baringo ayaa shacabka ugu baaqay inay dolwadda garab ku siiyaan dadaallada ay wado.
Dowladda dhexe ayuu ku ammaanay inay si joogto ah dadweynaha ugu soo gudbinaysa macluumaadka la xiriira cudurka.
Waxaa uu sido kale soo dhaweeyay tallaabooyinka uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ku dhawaaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here