Senetarka Bungoma oo ku baaqay in la xoojiyo la dagaalanka musuqmaasuqa

Hoggaamiyaha xisbiga Ford Kenya ahna senetarka ismaamulka Bungoma ee gobolka galbeedka dalka Mr. Moses Wetangula ayaa madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuu sii laba laabo dadaalada ku aaddan la tacaalidda falalka musuqmaasuqa.
Mr. Wetangula ayaa xilli uu ku sugnaa Mombasa hoosta ka xarriiqay in maamulka talada haya ee Jubilee uu la dagaalamayo musuqmaasuqa balse la doonayo in taasi sare loo sii qaado.
Senetarka ayaa dhanka kale ku nuuxnuuxsaday in guusha nolosha aynan ahayn dhaqaale si sharci darro ah lagu helo.
Waxaa uu soo jeedinaya in dastuurka wadanka u degsan lagu soo kordhiyo shuruuc adag oo tallaabo looga qaadayo mas’uuliyiinta lagu caddeeyo inay lunsadeen kheyraadka shacabka loogu adeego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here