Senetarka Busia oo beeniyay inuu musuqmaasuq ku lug lahaaday

Senetarka ismaamulka Busia Amos Wako ayaa gaashaanka u daruuray in xilligii uu muddo 10 sano ahaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka uu fal musuqmaasuq ku lug lahaaday.
Arrintan ayaa timid kaddib markii dowladda Maraykanka ay sheegtay in mas’uulkan iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ay dalkeeda ka mamnuucday.
Dhanka kale shacabka iyo mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Busia ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay amarkaasi.
Go’aanka xukuumadda Washington ayaa saameynaya Amos Wako ,xaaskiisa Flora Ngaira iyo wiil ay dhaleen oo lagu magacaabo Julius.
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shakhsiyaadkan aynan halkaasi u safri karin .
Amos Wako ayaa lala xariiryay fal musuqmaasuqa oo lagu tilmaamay mid aan la fududeysan karin.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in iyadoo la hayo macluumaadka la isku haleyn karo oo ku saabsna in saraakiil ka tirsan maamulka dowlad kale ay musuqmaasuqa ku lug lahadeen , dadkaasi iyo xubnaha qoysaskooda ee ugu soo dhow inay mamnuuc ka tahay inay Maraykanka galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here