Senetarka Embu oo doonayo in kansarka loo aqoonsado musiibo qaran

Senetarka ismaamulka Embu, Njeru Ndwiga ayaa soo jeediyay in dowladda ay ku dhawaaqdo in cudurka kansarka uu yahay musiibo qaran.
Waxaa uu sheegay in xubnaha aqalka sare uu ka dhaadhicin doono sidii qaab degdeg ah wax looga qaban lahaa xanuunkan.
Mr. Njeru Ndwiga ayaa maamulka talada haya ee Jubilee kula taliyay inuu la yimaado tallaabooyin lagu tacaalayo waxa uu ugu yeeray mid ka mid ah caqabadaha dhanka caafimaadka oo uu dalku wajahayo.
Senetarka ayaa ku doodaya in wasaaradda maaliyadda aynan wasaaradda caafimaadka u qoondeyn kheyraad ku filan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here