Senetarka Garissa oo codsaday in la dhaqangaliyo warbixinta guddiga BBI

Senetarka ismaamulka Garissa ahna guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa codsaday in si buuxda loo dhaqangaliyo qodobbada ku xusan warbixin in muddo ah laga sugayay oo ay maanta si rasmi ah Kenyaanka ugu soo bandhigeen.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in waxyaabaha ku qoran warbixinta oo ka kooban in ka badan 150 bog ay yihiin dareenka shacabka loogu tagay ismaamulada kala duwan ee wadanka.
Mr. Xaaji ayaa carrabka ku adkeeyay in si xal loogu helo caqabadaha uu dalka wajahayo ay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo sida ay shacabku doonayaan

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa xusay in caqabadda ugu weyn ee dalka ka jirto ay tahay in sida uu hadalka u dhigay aan mudnaanta koobaad la siin dhaqaalaha.
Moses Wetangula oo ah senetarka Bungoma ayaa dhankiisa sheegay in waxa loo baahan yahay ay tahay sida uu hadalka u dhigay nadaafad siyaasadeed.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Adan Barre Ducaale ayaa dhankiisa soo jeediyay in siyaasiyiinta ay daacadnimo muujiyaan oo aynan jeedin hadalo is khilaafsan.
Mas’uuliyiintan iyo kuwo kale oo hadalo kooban ka jeediyay xarunta Bomas ee magaaladatani Nairobi oo lagu soo bandhigayo warbixinta guddiga BBI ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga uga mahadceliyay isbeddelka wanaagsan ee ay dalka u horseedeen.
Barasaabka ismaamulka Kitui Chariy Ngilu ayaa dhankeeda sheegtay in haweenka ay doonayaan xilal dheeraad ah tusaale haddii ra’iisul wasaaraha uu qof rag yahay in haweeney ay ku xigeen u noqoto.
Barasaabka dowlad deegaanka Meru Kiraitu Murungi ayaa xusay inay weli ku adkeysanayaan in miisaaniyadda loo qoondeeyo ismaamulada laga dhigo boqolkiiba 45.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here