DHAGEYSO:Senetarka Kakamega oo dacwad ka gudbinaya abaanduulaha booliska iyo wasiirka amniga

Senetarka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka Mr. Cleophas Malala oo isaga iyo siyaasiyiin kale la xiray jimcihii kaddib markii lala xariiriyay dilal ka dhacay deegaanka Matungu ayaa sheegay inuu maxkmaadda geynayo dacwad cabasho oo ka dhan ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i iyo abaanduulaha booliska Mr. Hilary Mutyambai.
Mr .Malala, oo shalay laga soo daayay saldhigga dhexe ee booliska ee magaalada Kisumu ayaa sheegay in si sharci darro ah loo xiray.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inuunan sameynin kicin dadweyne oo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof.
Senetarka ayaa xariga lagula kacay ku tilmaamay mid dano gaar ah laga leeyahay oo lagu doonayo in siyaasad ahaan dhaawac loogu gaysto.
Sido kale waxaa uu faahfaahin ka bixiyay dhibaatooyin uu kala kulmay xabsiga in kastoo laamaha ammaanka aynan weli ka jawaabin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here