Senetarka Kakamega oo ku baaqay in dib loo furo goobaha cibaadada

Senetarka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka Mr. Cleophas Malala ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ka codsaday inuu bixiyo amar dib loogu furaya goobaha cibaadada.
Waxaa uu sheegay hadii maqaayadaha loo ogolaaday inay shaqeeyaan aynan jirin sabab ay masaajidda iyo kaniisadaha u sii xirnaan karaan.
Mr. Malala ayaa ku nuuxnuuxsaday in la tacaalidda cudurka covid-19 la doonayo in Alle bari ay qeyb ka noqoto sidaas awgeedna uu hoggaamiyaha dalka ka rajeynaya inuu codsiga uu jeediyay uu tixgeliyo

Hadalka Senetarka ayaa ku soo aadaya iyadoo galinkii dambe ee shalay wasaaradda caafimaadka ay soo saartay digniin ku aadan masaajidda qaar oo la sheegay in habeenkii lagu tukado.
Wasaaradda ayaa digniin adag u dirtay maamulka iyo dadka habeenkii isugu tago masaajidda si ay si qarsoodi ah ugu tukadaan salaadda taraawiixda.
Wasaaradda ayaa amartay in arrintan sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo hadii kale tallaabo sharciyeed ayaa laga qaadaya cid kasta oo ku lug lahaata.
Sido kale dowladda waxay u digtay dadka leh maqaayadaha shaqeeya wixii ka dambeeya 7-da fiidnimo oo uu billowdo Bandow ka jiro guud ahaan dalka.
Wasaaradda ayaa digniin tani la mid ah u dirtay gaadiidleyda mataatuuda iyo wadayaasha mootooyinka oo qaar ka mid ah la sheegay inaynan u hoggaansamin amarrada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here