Senetarka Nandi oo doonaya inay xasaanad lahaadaan barasaabyada

Senetarka ismaamulka Nandi ,Samson Cherargei ayaa dalbanaya in barasaabyada dowlad deegaanada xasaanad la siiyo si aan loo maxkamadeyn inta ay xilalka hayaan.
Mr. Cherargei ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Kenya laga doonayo inay adeegsato nidaam ka jiro wadanka Nigeria.
Nidaamkaas ayuu ku sheegay in madaxweynaha , ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaasha ay leeyihiin xasaanad ka ilaalisa maxkamadeyn ilaa iyo inta ay xafiisyada ka banneynayaan.
Waxaa uu siyaasigan guddoomiye u yahay guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha sharciga iyo xuquuqul aadanaha.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inuu dadaal ugu jiro sidii loo badbaadin lahaa hannaanka dowlad wadaajinta ama maamulka la daadajiyay ee loo yaqaano devolution.
Senetarka ayaa ku doodaya in nidaamkan ay ismaamullada ku shaqeeyaan uu wajahaya khatar uga imaanaysa dhanka golaha fulinta ee dowladda dhexe.
Waxaa uu Samson Cherargei tusaale u soo qaatay amar horay uga soo baxay maxkamadda sare ee dalka sido kalena ay maxkamadda racfaanka ayidday kaasoo dhigaya in barasaabyada musuqmaasuqa lala xiriiriyay ay mamnuuc tahay inay tagaan xafiisyadooda rasmiga ah ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo eedeymaha ay wajahayaan.
Amarka maxkamadeed ayaa saameeyay saddex ka mid ah guddoomiyaasha dowlad deegaanada waxayna kala yihiin Mike Sonko oo hoggaamiyo Nairobi, Ferdinand Waititu oo ah barasaabka ismaamulka Kiambu iyo dhiggiisa Samburu , Moses Lenolkulal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here