Senetarka Nandi oo la xiray

Baaritaano ka socda waaxda dambi baarista ee dalka DCI-da ayaa xiray Senetarka ismaamul goboleedka Nandi Samuel Cherargei.
Ciidamada dambi baarista ayaa senetarkaasi ka xiray gurikiisa oo ku yaala magaalada Eldoret.
Senetarka Nandi ayaa la sheegay in loo xiray hadalo uu ka jeediyay goob lagu qabanayay aas .
Agaasimaha dambi baarista dalka George Kinoti ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku hayaan senetarka Nandi .
Mr Kinoti ayaa faah faahin wali ka bixin eedeymaha loo soo jeediyay Samuel Cherargei.
Ciidamada ayaa senetarkaasi geeyay xarunta dambi baarista ee Nandi isagoona lagu qori doono waxyaabaha loo heysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here