Senetarkii hore ee Machakos oo diiddan BBI

Senetarkii hore ee ismaamulka Machakos, Johnstone Muthama ayaa ka soo horjeedo dhaqangelinta warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.
Guddigan oo ka kooban 14 xubnood ayaa lagu dhawaaqay kulan taariikhi ahaa oo 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii 2018-kii dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa garabka mucaaradka Raila Odinga.
Muthama ayaa ku andacoonaya in BBI ay kala qeybisay shacabka.
Wuxuu intaas ku daray in qodobbada la soo jeediyay ee warbixinta ku xusan inay u muuqato inay la wareegeen shakhsiyaad awood raadis ah.
Dareenka Muthama mid la mid ah waxaa muujiyay xildhibaankii hore ee deegaanka Kibwezi, Kalembe Ndile.
Ndile ayaa dowladda talada haysa ku dhaliilay inay bartilmaameedsanayso dadka dhaliilsan BBI.
Wuxuu xusay in hadii geedisocodka dalka ka jiro daacad laga yahay la doonayo in la dhageysto aragtiyada siyaasadeed ee kala duwan.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo shalay qaar ka mid ah madaxda Ukambani sida Kalonzo Musyoka, Charity Ngilu iyo Prof. Kivutha Kibwana oo ka qeyb galay kulankii BBI ee ka dhacay Mombasa ay dhammaantood sheegeen inay si buuxda u taageerayaan dhaqangelinta warbixinta BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here