Senetaro difaacay go’aan uu qaatay barasaabka Nairobi

Senetarada ismaamullada Makueni iyo Narok ee kala ah Mutula Kilonzo Junior iyo Ledama ole kina ayaa taageeray go’aan uu dhawaan barasaabka caasimadda dalka ee Nairobi Mike Sonko uu ku diiday inuu lacag dhan 15 bilyan oo shilin ku wareejiyo maamulka loo xilsaaray bixinta adeegyada magaala madaxda wadanka ee (NMS).
Labadan siyaasi ayaa hoosta ka xarriiqay in Sonko aynan suurtagal ahayn inuu wareejiyo lacag aan loo qoondeyn.
Waxay ku nuuxnuuxsadeen in kastoo shaqooyinka qaar lagu wareejiyay guddiga NMS haddan dhaqaalaha uu ku shaqeynayo la doonayo in laga soo saaro sanduuqa lagu keydiyo dakhliga Nairobi soo galo.
2-dii bishan ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee Nairobi ay ansaxiyeen in ugu yaraan 15 bilyan oo shilin lagu wareejiyo maamulka cusub hasa ahaate Mike Sonko ayaa diiday inuu qalinka ku duugo.
Barasaabka ayaa guddoomiyaha golaha hoose ee Nairobi, Beatrice Elachi ku eedeyay inay awoodeeda si aan habbooneyn u adeegsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here