DHAGEYSO:Senetaro lagu eedeeyay inay arimaha maamulka Jubaland carqaladaynayaan.

Cabdi Naasir Seeraar oo ka mid ah Musharixiinta Madaxweyaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa eedeyn u jeediyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, isagoo ku Eedeeyay inay faragelin ku hayaan arrimaha doorashooyinka ee maamulka Jubaland.
Waxa uu ku dhaliilay Xildhibaannada ka tirsan Aqalka Sare inay kusoo fashilmay Shaqooyinkii loo igmaday sida uu hadalkiisa u dhigay,isla markaana ay doonayaan inay dowladda Federaalka Magaalada Kismaayo kala dagaalamaan,waxaana uu sheegay inan taas la aqbaleyn marna.
Senatorada qaarkood ayuu magacaabay ,waxaana uu ugu baaqay inay faragelinta ka joojiyaan doorashada maamulka Jubbaland.
Musharax Seeraar ayaa sheegay dhanka kale inay inta badan deegaannada maamulka Jubbaland ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab,waxaana uu ka dalbaday Ciidamada inay amniga adkeeyaan,isla markaana aysan ku mashquulin howlo kale.

 

Eedeynta Musharax Madxweynaha Jubbaland Cabdi Naasir Seeraar uu u jeediyay Xildhibaanada ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya weli dhankooda kama jawaabin,waxaana xusid mudan in Xildhibaannada federaalka qaarkood ay dowladda Soomaliya ku Eedeyso inay faragelin ku heyso waxa ay ku Tilmaameen doorashooyinka maamul goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here