Seneterada oo xildhibanada maxkamada la tiigsaday

Afhayeenka aqalka Senetka Kenneth Lusaka ayaa maanta horkacay Seneterada si ay maxkamada sare u geeyaan dacwad ay ku doonayaan inay kaga hor imaadan in ka badan 20 shuruuc oo aqalka barlamanka ay nasixiyeen ayaga oo aan lala tashan,tani oo sare u sii qaadeyso dagaalka labada aqal.
Dacwada Senterada ayaa waxay ka doonayaan maxkamada inay laasho ila iyo 26-shuruuc oo ay barlamanka ansixiyeen maadama aysan u hoggansamin xeerarkii loogu tala galay.
Senterada oo uu hoggaminaye afhayeenka iyo hoggamiuyaha xubnaha aqlabiyada aqalka Senetka Kipchumba Murkomen iyo dhigiisa xubanaha laga tiara badanyahay James Orengo, ayaa socod ka soo bilaabay aqalka barlamanka waxayna tageen maxkamada Milimani oo ila 20 –Daqiiqo u jirto.
Seneterada ayaa ku eedeynaya afhayeenka aqalka barlamanka Justin Muturi inuu diiday shurucyada hagaya in la ansaxiyo shurucya kala duwan,asaga oo isa siisay awooda dheerad islamarkana ansixinaya biilal khuseeya ismamaulada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here