Senetka oo mar kale ku guuldaraystay meel marinta qaybsiga dhaqaalaha ismaamulada dalka

Aqalka sare ee senetka ayaa markii 10aad ku guuldareystay inay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan hanaanka ay ismaamulada ku qeybsanayaan dakhliga dalka.
Tan ayaa timid ka dib markii ay hoggaamiyaasha aqalka sare ee dalka maanta kulan la yeesheen madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Dooddaan ayaa in muddo ah soo jiitamaysay wuxuuna senate-ka Kenya yeeshay ilaa 10 kal-fadhi oo aan wax heshiis ah laga soo saarin.
Nidaamka lagu muransan yahay ayaa ah midkii saddexaad waxaana si weyn kaga soo horjeestay siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo caddaalad darro ku tilmaamay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here