Sh Shariif iyo madaxweynihii hore ee Hirshabelle oo kulan yeeshay

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa kulan la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ahna musharax Madaxweyne Maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen.
Kulanka oo ahaa mid ay Albaabada u xirnaayeen ayaa sida la sheegay dhacay laba jeer, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxyaabaha ay labada mas’uul ka wada hadleen.
Wararka laga helayo kulankaas ayaa sheegaya in Madaxweyne hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif & Cali Guudlaawe Ku xigeenkii Hore ee Maamulka Hirshabeelle ka wada hadleen sidii lagu xalin lahaa tabashada Odayaasha dhaqanka Hir-Shabeelle qaarkood oo qaba tabasho la xiriirta in la bedelay Xubnihii ay u soo xuleen kamid noqoshada Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Sidoo kale warar kale ayaa waxay sheegayaan in labada mas’uul ay ka wada hadleen Arrimo la xiriira doorashooyinka Soomaaliya maadaama degaannada Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Jowhar ay kamid tahay Magaalooyinka lagu qabanayo dooranashada Xildhibaannada labada Aqal ee Fedraalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale la kulmay Duubabka dhaqanka Hir-Shabeelle ee Xildhibaannada soo xulay, isagoo kala hadlay tabashada ay qabaan iyo in la qabto gogol dib u heshiisneed oo uu dhigayo magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya si loo xaliyo dhamaan Wixii tabasho ah oo jira kadibna si wada jir ah loo soo dhiso Maamulka Hirshabeelle oo hada Baarlamaanka kali ah la soo Xulay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here