Sh Shariif oo dhaliilay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Federaalka ku dhaliilay qaabka loo marayo qorista Ciidamo ku biiraya Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.Sheekh Shariif oo hadal ka jeediyey Shirkii Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in uu arki jiray Ciidamo Goob rigo ah laga soo qoro,isla markaana la soo kala xulo,base ay haatan u muuqato kuwo xilli habeen ah la qoraayo oo la qarinaayo.
Waayeel maalin ayuu cabsadaa ayaa la yiri Carruurna habeen Aniga Cabsi weeynaa igu jirto Ciidan nabadsugida ah oo habeen la qoraayo oo laba dowladood loo diraayo aniga ma fahmin,ciidanka rigo ayaa laga qori jiray ee muxuu yahay ciidanka nabadsugida qoreyso oo taliyeyaasha laga qarinaayo ma waxaa la rabaa inay amni sugaan ayuu yiri” Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa uu sheegay in Ciidan uu leeyahay qoristiisa waddo sax ah oo loo maro,hayeeshee aysan aqbaleyn in la qorto Ciidamo gaar ah oo la doonayo in dadka lagu dhibaateeyo sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here