Shabaab oo Gedo ku toogtay dad ay sheegeen inay basaasiin ahaayeen

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay fagaaro ku yaalla degaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo ku toogteen Afar ruux oo ay u esoo jeediyeen Eededyn kala duwan iyo inay la Shaqeynayeen dowlado Shisheeye.
Afarta Ruux ayaa waxaa Magacyadoodu lagu kala sheegay Cabduqaadir Maxamed oo ay shabaab ku eedeeyene inuu u Shaqaynayay Sirdoonka dowladda Maraykanka.
2: Ciise Cismaan Geelle oo ay ku eedeeyeen inuu u Shaqaynayay Sirdoonka Dowladda Itoobiya oo Ciidamo farabadan oo ka tirsan howlgalka Nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMIOSM ay ka joogaan Gudaha dalka Soomaaliya.
3: Cabdi Casiis Xassan Cabdi iyo Aadan Xassan oo ay labadaba ku eedeeyeen inay u Shaqeeynayeen Sirdonka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay dagaal kula jiraan.
AL-shabaab ayaa waxay dhamaan Afartaan Ruux ku toogteen Fagaaro ku yaalla degaanka Ceel-Cadde,waxaana Goobta ku sugnaa qaar kamid ah dadka degaanka oo ay isugu yeereen halkaasi.
Al-Shabaab ayaa horay waxaay meelo kamid ah Soomaaliya ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaasoo ay ka qabteen degaannada ay maamulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here