Shabaab oo howlgal looga saarayo aaga deegaanka Janaay-Cabdalla

Ciidanka Dana bee Xoogga dalka Soomaaliya iyo Daraawshita Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ee ku sugan deegaanka Janaa Cabdalle ayaa saaka xiray dhamaan Wadooyinka soo gala deegaankaas iyo kuwa ka baxa.
Ciidanka Danab qaybta deegaanada Jubooyinka oo war qoraal ah soo dhigay bartooda Twitter ayaa sheegay in deegaanka Jaana Cabdalle iyo wadooyinka mara ay xidhan yihiin ilaa 5km oo dhinac walba ah loona baahan yahay inta la waddo howlgalka lagu sifaynaayo Al-Shabaab in shacabka ay ka fogaadaan meelahaas iyo dadka wadda gaadiidka kala duwan.
Ciidanka ayaa sheegay inay bilaabeen howlgal weyn oo guud ahaan Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ka jooggaan Jubbaland.
Digniinta Ciidanka DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa imaanaysa ayadoo weerar qaraxyo ah ay shalay ka dheceen deegaankaas.
Ciidanka daraawish-ta Jubbaland,Ciidanka xooga dalka ee Danab iyo Ciidamada Amison ayaa howlgal ka samaynaaya deegaanka Janaa Cabdalle oo Jimcadii aan soo dhaafnay lagala wareegay dagaalameyaasha Al-shabaab oo halaasi u ahayd Fariisin muhiim ah.
Dhanka kale Xaaladda Magaalada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe ayaa daganaansho laga soo sheegayaa kadib markii Al-Shabaab ku qabsadeen dagaal Xaafado ka mid ah Saacaddo kooban.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudahaa u xaqiijiyay in hadda Ciidanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Magaalada, islamarkaana ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo shabaab ka dhan ah.
Labada dhinac ciidanka dowlada iyos AL-shabaab ay guulo ka sheegtay dagaalkaas ka dhacay degmada Balcad.
Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay dhankiisa inay degan tahay xaaladda Degmadaasi,Ciidamaduna ay hadda joogaan talisyadii iyo goobihii kalee baraha koontaroolada degmadaasi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 14 xubnood oo ka mid ah dagaalameyaasha AL-Shabaab.
Sida uu gudoomiyuhu sheegay Hal askari ayaa ka dhintay ciidamada xoogga,halka uu dhaawac ka soo gaaray dhowr qof oo rayid ah.
Wararka ayaa waxaaay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay Saldhigga degmada Balcad kasii daayeen Maxaabiis inkastoo warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here