Shabakada BOI oo maqaal ka qortay geeridii ku timid Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Sushant Singh Rajput

Shabakada Box-office ee India (BOI) ayaa maqaal yar ka qortay geerida ku timid jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput kaaso shalay subax gurigiisa loogu tagay isagoo xarig ka laad-laada isna dal-dalay ama isdilay waxuuna falkaas kukacay habeen hore habeen ka hor.
Sushant Singh Rajput oo filimkiisa udambeyay tiyatarda laga daawado ahaay Chhichhore musane la daawaday 2019 ayaa geeriyooday wuuna is dilay sida wararka sheegen sababtana ilaa hada lama oga balse gurigiisa Bandra ku yaalo ayaa laga helay meeydkiisa walow wali baaritaan socdo, atoorahan waxuu caan ku ahaa degenaan badan.
Sidoo kale waxaa la sheegay sannadihii u dambeeyay inay heesteen dhibaato maskaxiyan ah oo maskaxdiisa caadi ma ahayn sida dad ka akdhow sheegeen waxaana xusid mudan inuu isticmaali jiray daroogada iyo maandooriyaha (Drugs) taaso ku kaliftay inuu Depression qaado ama niyad jab joogto ah dhanka nolosha saas eetahay ma dhihi karno waa sababta uu isku dilay waayo wali wax sifiican uma kala cado waxaana sugnaa waa inta laga soo saarayo war rasmi ah.
Maalmo kahor gabadha gacanyarihiisa ahayd ayaa is dishay waxaana shakiga keenay in asna is dilay marka labadooda is dilkooda miyee isla xiriiraan oo hal sabab miyee isku dileen waa arin baaritaan u baahan mida ugu murugada badan ayaa ah in isagoo 34-jir dunida ka tagay waayo waxuu ahaa dhalinyaro oo mustaqbal dheer sugaayey Waana arin niyad jab ku ah Bollywoodka oodhan maadama atoore 34-jir ah ka geeriyooday.
Sushant noloshiisa gaarka ah iyo inuu guursan rabay marka laga soo tago mustaqbal dheer xaga shaqada Bollywoodka ah ayaa sugaayey waxaana la rajeynaayey inuu kamid noqon doono atoorayaasha hogaanka fanka hindiya u qaban doonaan 20-sano soo socota balse ma dhicin waxuu kasoo muuqdat filimo Hit waaweyn noqdeen sida M.S.Dhoni, PK, Shudh Desi Romace iyo Chhichhore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here