Shacab banaanbax ka dhigay magaalada Boosaaso

Boqolaal shacab ah oo u badan Haweenka ku nool Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta waxay markale halkaasi ka dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedeen kufsi iy dil la sheegay in loo geystay Gabar kamid aheyd dadka ku nool Magaalada Boosaaso.
Gabadhaas ayaa meydkeeda waxaa shalay laga helay xaafada Raf iyo Raaxo ee Magaalada Boosaaso, iyadoo meydka la geeyay Isbitaalka boosaaso, kaddib markii la waayay ehelkeeda wallow markii dambe la helay.
Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa sheegay in xilligaan kufsiyada ka dhacaya dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo mashruuc ah oo ay hay’ado kala duwan lacago kusoo qaateen wallow aysan shaacin Magacyada Hay’adaha.
Waxaay ugu baaqeen laamaha Amniga Maamul goboleedka Puntland inay waxka qabtaan dhibaatooyinka kufsiga iyo dilka ah ee Gabdhaha yar yarka ah loo geysanayo, isla markaana Cadaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyay falkaas.
Meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay falal kufsi iyo dil ah oo loo geystay Gabdho aad u da’yar, waxaana jira dad u xiran falalkaas iyo kuwo ay Hay’adaha Amniga Somaaliya sheegeen inay baadi goobayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here