Shacab lagu dilay howlgal ka dhacay Afghanistan

Dad shacab ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay duqeymo dhanka cirka iyo dhulka ah oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ee wadanka Afghanistan.
Waxaa howlgalladaasi lagu bartilmaameedsaday goob ay koox Taalibaan ku dhuumaaleysato oo ku taalla koonfurta gobolka Helmand
Afhayeenka guddoomiyaha gobolkaasi Cumar Zwak ayaa sheegay in ugu yaraan 14 dagaalyahaano oo ay 6 ka mid ah ajaaniib yihiin in la dilay.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulada wadankaasi ay wadaan baaritaano ku aaddan sababta dad shacab ah loo dilay iyo tirada rasmiga ah.
Attaullah Afghan, oo xubin ka ah golaha gobolka Helmand ayaa dhankiisa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in 35 qof oo rayid ah la dilay halka 13 kalena la dhaawacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here