Shacabka ay daadadku saameeyeen ee Tana River oo cunno loo qeybinayo

Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa billowday inay cunno gargaar ah u qeybiso kumannaan qof oo ay saameyn ka soo gaartay daadadka ku dhuftay ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta kaddib roobab culus oo ka da’ay.
Hay’adda ayaa bixinaysa cunno qiimo ahaan dhan 10 milyan oo shilin waxaana si gaar ah uga faaiidaya shacabka degmada Tana Delta.
Maareeyaha howlaha hay’adda ee gobolkaas Xasan Muuse ayaa sheegay inay ugu horreyn gargaarka ku wareejin doonaan 1,220 qoysas ah oo ku nool Tana Delta inta aynan u sii gudbin 1,200 kale oo ku dhibaateysan waqooyiga Tana.
Mr. Muuse oo warbaahinta kula hadlay tuulada Handaraku ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyeen 2,420 oo qoysas ah iyo guud ahaan 15,000 oo qof oo ka mid ah shacabka dowlad deegaanka Tana River balse waxaa ugu daran degmada Tana Delta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here