Shacabka dalka Guinea oo doorasho ka qayb qaadanaya

FILE PHOTO: Guinea's outgoing president and presidential candidate Alpha Conde, leader of Rally for the People of Guinea (RPG) waves to supporters as he attends his closing campaign rally ahead of the presidential election in Conakre, Guinea, October 16, 2020. REUTERS/ Sadak Souici

Codbixiyayaasha dalka Guinea ayaa maanta u dareeray doorashada guud ee wadankaas.
Madaxweynaha talada Guinea haya ee Alpha Conde oo 82 sano jir ah ayaa doonaya inuu hoggaanka sii hayo.
Tani ayaa timid kaddib markii la hirgeliyay dastuur cusub oo u fududeeyay muddo xileed saddexaad.
Arrinkan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo bilooyin socday waxaana hal sano gudihii dalkaas lagu dilay ugu yaraan 50 qof intii ay dibadbaxyada socdeen sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International .
Alpha Conde waxaa xilka madaxtinimo kula tartamaya 11 musharaxiin ah oo uu ka mid yahay Cellou Dalein Diallo oo ay muddo dheer isaga soo horjeedeen siyaasadda dalka Guinea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here