Shacabka dalka Guinea oo u codeenaya in la sameeyo dastuur cusub

Shacabka dalka Guinea ayaa maalinka Axada u dareeri doona doorasho taas oo loogu codeenayo in wadankaas uu yeesho dastuur cusub.
Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib dhowr bilood oo ay dibadbaxyo looga soo hor jeedo in uu xilka sii hayo madaxweyne Alpha Conde ay dalkaas ka socdeen.
Xukuumadda Guinea ayaa sheegtay in dastuurkan cusub uu xoogga saari doono sinaanta jiinsiyada, isla markaana uu mamnuuci doono gudniinka haweenka iyo guurka gabdhaha da’a yarta ah.
Balse qaar ka mid ah dadka dhaleeceeya xukuumadda ayaa iyagu sheegay in dastuurkan cusub loola jeedo in wax laga badelo muddo xileedka madaxweynaha si madaxweeyne Alpha Conde oo hada ah 81 sanno jir uu markii saddexaad ugu tartamo xilka ugu sarreeya ee wadankaas.
Codeeynta ayaa ka dambeeysaa xiisado iyo rabshado badan oo ka jiray wadankaasi.
Dibad baxyada Guinea ayaa bilawday bishii Oktobar ee sannadkii hore waxaana ku dhintay 30 qof.
Xisbiyadda mucaaradka ee dalkaasi ayaa iyagu xusay inay ka qayb qaadan doonin codeeynta loo qaadayo dastuurka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here