Shacabka Filibiin oo doorasho guud u dareeray

115

Shacabka ku nool dalka Filibiin ayaa maanta oo isniin ah waxay ka qeyb qaadanayaan doorasho la filayo in natiijada ka soo baxdo ay sii xoojiso awoodda madaxweyne Rodrigo Duterte.
Ku dhawaad 62 milyan oo codbixiyayaal ah ayaa isku diiwaangeliyay inay kala doortaan 43,500 musharaxiin ah oo loolan ugu jiro 18,000 kuraas ah.
Shacabka ayaa u codeynaya 81 ah guddoomiyaasha gobolada 1,634 oo ah duqeyda magaalooyinka iyo in ka badan 13,000 oo ah wakiilada degmooyinka.
Madaxweyne Duterte ayaa wacad ku maray in hadii mar kale uu guulaysto uu dib u soo celin doono xukun dil ah oo lagu fulinayo cid waliba oo lagu caddeeyo inay ka ganacsato daroogada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here