Shacabka Garissa oo loogu baaqay inay ilaaliyaan amarrada dowladda ee ku aaddan covid-19

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa Axmad Nadiir Cumar ayaa ugu baaqay dadka ku nool dowlad deegaankaas inay raacaan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafitaanka caabuqa coronavirus.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ilaa iyo hadda ismaamulka Garissa aan laga xaqiijinin kiis la xiriira fayraska isagoo dhanka kale digniin adag u diray cid kasta oo ka safarto Nairobi oo iskudaydo inay tagto Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here