Shacabka Garissa oo loogu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan

Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari, Nicodemus Ndalana ayaa dadweynaha ku nool ismaamulka Garissa waxaa uu ku boorriyay inay saraakiisha ammaanka si dhow ula shaqeeyaan.
Mr.Ndalana ayaa shacabka ka codsaday inay soo gudbiyaan macluumaadka ku aaddan waxyaabaha ay ka shakiyaan ee saameyn karo xasiloonida.
Shalay ayay ahayd markii weerar ka dhacay deegaanka Ijara lagu dilay saddex qof.
Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid wuxushnimo ah
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka ayuu ku sheegay inuu aad uga naxay dhimashada saddex qof oo falkaas lagu dilay.
Dadkan ayaa dhintay kaddib markii baabuur ay saarnayeen oo ah nooca gurmadka ee loo yaqaano Ambulance ay miino la qaraxday.
Waxaa uu Gaariga sida barasaabka laga soo xigtay ka soo baxay Sangailu wuxuuna ku wajhnaa degmada Xuluuqo.
Dadka weerarkaas lagu dilay waxaa ka mid ah darawalkii iyo qof bukaan ah.
Guddoomiyaha Garissa ayaa hoosta ka xarriiqay in la doonayo in cidda falalka noocaas ah gaysata laga adkaado.
Waxaa soo baxaya in weerar kale oo lala eegtay ciidamo falkii dhacay ka falcelinayay laba boolis ah ay ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here