Shacabka gobolka xeebta oo looga digay ka ganacsiga dhuxusha

Iskuduwaha ammaanka ee gobolka xeebta, John Elungata ayaa dadweynaha ku nool ismaamulada kala duwan ee gobolkaasi uga digay inay ku lug lahaadaan ka ganacsiga dhuxusha.
Mr. Elungata ayaa sheegay in arrintan ay tahay howl khatar ah oo sida uu hadalka u dhigay lagu taageero falalka argagixisada sidaasi awgeedna la doonayo in la joojiyo.
Mas’uulkan oo socdaal ku tagay keynta Boni ayaa hoosta ka xarriiqay in ganacsiga noocan ah uu sanadihii ugu dambeeyay ku soo batay xeebta dalka gaar ahaan ismaamulka Lamu taaso ay ka dhalatay saameyn dhinaca deegaanka.
Waxaa uu saraakiisha waaxda keymaha ee (KFS) ka dalbaday inay si buuxda u dhaqangeliyaan amar horay lagu mamnuucay ka ganacsiga dhuxusha.
Mr. Elungata ayaa nasiib darro ku tilmaamay inay suurtagal tahay qaar ka mid ah dadka ku andacoonaya inay dhuxusha ka ganacsadaan ay dhanka kale beer jilleec u muujinayaan kooxaha qorsheeya weerarada argagixiso.
Hasa ahaate xildhibaanka bariga Lamu, Athman Shariff ayaa difaacay ganacsatada dhuxusha oo uu sheegay inay nolol maalmeed ka raadsanayaan oo keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here