Shacabka Iiraan oo ka carooday jawaab ay dowladda bixisay

Boqolaal ka mid ah dadweynaha dalka Iiraan ayaa dhigay dibadbax ay kaga soo horjeedaan go’aankii dhawaan dowladda wadankaas ay ku qiratay inay si aan ula kac ahayn u soo ridday diyaarad laga lahaa Ukraine.
Diyaaradda oo toddobaadkii hore ku burburtay meel u dhow magaalada Tehraan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 176 qof.
Iiraan oo horay loogu eedeyay inay gantaal u adeegsatay inay diyaaradda soo riddo ayaa taasi iska fogeysay in kastoo markii dambe ay mowqifkeeda badashay.
Muuqaallo lagu faafiyay barta twitarka ayaa muujinaya dibadbaxayaal dalbanaya inay is casilaan madaxda sar sare ee Iiraan oo uu ka mid yahay Ayatullahi Cali Khamenei.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here