Shacabka islii iyo Old Town oo looga digay inay dafiraan amarka dowladda

Dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda caafimaadka ayaa digniin adag u dirtay dadweynaha ku nool xaafadaha islii iyo Old Town oo ka kala tirsan magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.
Waxaa shacabka loogu baaqay inay u hoggaansamaan amarka dowladda ee ah inaan muddo 15 cisho laga soo bixi Karin sido kalena gudaha loo geli Karin xaafadahan.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in cidii aan haysan wax ogolaansho ah oo la arko iyadoo ka baxaysa ama soo galaysa islii iyo Old Town tallaabo sharciyeed laga qaadaya.
Dr. Aman ayaa carrabka ku dhuftay inay ka war heleen shakhsiyaad u gudbay xaafadaha kale ee labadan meelood dariska la ah.
Wuxuu intaa ku daray in taasi aynan wanaagsaneyn maadaama ay jirto halis sare oo ah in cudurka covid-19 la sii gudbiyo.
Xoghayaha ayaa qof kasta oo marti gelinaya qof tan iyo shalay ka baxay islii iyo Old Town ugu baaqay inay dowladda ku soo wargeliyaan.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha wadanka laga xaqiijiyay kiisaska caabuqa coronavirus oo dhan 607, waxaa cudurka covid-19 u dhintay 29 qof halka 197 ay ka bogsadeen.
Tan iyo markii gudaha dalka laga xaqiijiyay caabuqa coronavirus waxaa baaritaano lagu sameeyay 28002 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here