Shacabka islii oo cabasho ka muujiyay amar lagu soo rogay xaafadda oo dhaqan galay

Waxaa maanta isbeddel ballaaran laga dareemaya xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji magaaladatani Nairobi kaddib markii uu si rasmi ah uga dhaqangalay amar la soo rogay shalay galab kaasoo ay shacabka siyaabo kala duwan ay uga hadleen sida uu warbixintan ku eegaya wakiil wareedka idaacadda ee Nairobi Farxaan Cali Mukhtaar

Amarkan oo shaqeynaya muddo 15 cisho ayaa mid la mid ah laga fuliyay xaafadda Old Town ee ismaamulka Mombasa.
Shacabka xaafaddaas ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin go’aanka dowladda oo ay ku tilmaameen mid aan caddaalad ahayn waxayna doonayaan in dib u eegis lagu sameeyo

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shalay shaaciyay in mudada ay xayiraaddan jirto aan la soo geli karin sido kalena laga bixi karin Islii iyo xaafadda Old Town ee Mombasa.
Go’aanka dowladda ayaa yimid kaddib markii labadan meelood laga soo tabiyay kiisas badan oo la xiriira caabuqa coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here