Shacabka ismaamulka Laikipia oo laga qayb gelinaya BBI

Dowladda ismaamulka Laikipia ayaa billowday inay shacabka halkaas ku nool fursad u siiso ka qayb qaadashada geedisocodka warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta dadweynaha ee BBI.
Kulamadan ayaa laga billaabay magaalada Nanyuki oo kooxo kala duwan ay isugu yimaadeen inay si qoto dheer u eegaan qodobbada warbixinta ku xusan.
Dadweynaha ayaa mas’uuliyiinta iyo aqoonyahaanada dhanka sharciga weydiinaya su’aalaha ay qabaan ee ku saabsan soo jeedinnada BBI.
Dowladda ismaamulka Laikipia ayaa sheegtay inuu qorshuhu yahay in shirarkan lagu qabto dhammaan 15-ka deegaannada hoose .
Guddoomiyaha Laikipia ,Ndiritu Muriithi ayaa xusay in Kenyaanka ay u madax bannaan yihiin inay ka ra’yi dhiibtaan warbixinta BBI sidaas awgeedna la joogo xilliga habboon ee fursad loo siin karo.
Muriithi ayaa dhammaan shacabka ugu baaqay in ay warbixinta akhriyaan oo ay talooyinkooda gudbiyaan.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dastuurku uusan ahayn dokumeenti dhameystiran oo hadii ay dantu keento isbeddel lagu sameyn doono.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kooxo kala duwan sida naafada , haweenka , madaxda kaniisadaha iyo xoolo dhaqatada ay doonayaan in wax laga beddelo soo jeedinnada guddiga BBI ka hor inta aan la qaban afti dastuuri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here