Shacabka Kasarani oo maalinkii afaraad dibadbaxyo dhigaya

Shacabka ku nool deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi gaar ahaan xaafadda Mwiki ayaa maalinkii afaraad oo xiriir ah dibadbaxyo sameynaya.
Waxay xireen waddooyinka tani oo saameysay howlaha gaadiidka.
Shacabka iyo gaadiidleyda ayaa cabasho ka muujinaya wadada ay isticmaalaan oo aan wanaagsaneyn.
Sido kale waxay wacad ku mareen inaynan dibadbaxyada soo afjari doonin ilaa iyo inta dhibaatada jirta wax laga qabanayo

Dhanka kale senetarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa maanta kulan la yeeshay xubnaha maamulka waddooyinka ee KURA, shirkadaha baabuurta dadweynaha ee deegaankaas u kala goosho iyo saraakiisha ammaanka.
Waxay dhinacyadan ku heshiiyeen in dhismaha wadadaas sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabo.
Mr. Sakaja ayaa sido kale nasiib darro ku tilmaamay dibadbaxyada maalinkii afaraad socdo iyo khasaaraha ka dhashay.
Wuxuu xusay in hal qof oo ku dhintay isku dhacyo booliska iyo dibadbaxayaasha dhex maray halka sido kale dhaawacyo culus ay soo gaareen ilaa 5 sarkaal.
Senatarka ayaa carrabka ku dhuftay in shacabka iyo laamaha ammaanka laga doonayo inay wada shaqeeyaan oo cidna aynan dhinac kale dhibaato u gaysan.
Haddaba sideey shacabka u arkaan kulanka maanta qabsoomay iyo ballanqaadka ah in dhibaatada haysata wax laga qabanaya, waa kuwan qaar ka mid ah oo dareenkooda muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here