Shacabka Kenyaanka oo loogu baaqay inay si weyn uga qeyb qataan Tirakoobka

180

Xukumadda dalka ayaa ugu baaqday shacabka Kenyaanka ah inay ka qeyb qaataan tirakoobka dalka laga bilaabi doono habeenka 24-ka bishan Aug ee sanadkan 2019-ka.
Gudoomiye xaafadeedyada dalka ayaa Kenyaanka ku dhiiragalinayaa inay ka qeyb qaataan tirakoobka.
Dalka ayuu ku jiraa u diraar garow xoogan oo ku aadan sidii ay Kenyaanka isugu diiwaan galin lahayeen waxaa loo yaqaano censuska ama tirakoobka.
Shalay ayay ahayd markii Wasaarada waxbarashada ay badashay xiliga sanad dugsiyeedka seddaxaad, oo la filaye in aradada ay fasalada dib ugu laabtaan bisha Agosto 26-da waxaana hataan laga doonaya inay aradada ku soo laabtan dugsiyada 2-da bisha September.
Tani ayaa waxa sabab looga dhigay si barmaanijka tirakoobka uu ku dhamado wakhti iyo hannna wanagsan.
Warqad uu soo saaray xoghayaha wasarada waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa waxa uu ku sheegay in xiliga dugsiyada la furaayo ay isku soo beegmeen xiliga uu socdo barnamaijka qaran ee tirakoobka.
Triakoobka qaran ayaa loo asteeyay habeenka 24-ta Agosto ila 31-ka isla bishan Aosto.
Wakhtiga dugsiyada la furaayo ee la badalay ayaa waxa uu hal todobaad yareynayaa xiliga iyo muddada sanad dugsiyeedka seddaxaad.
Dr Kipsang ayaa ku amray dhamaan aggasimyaasha waxbarashada gobolada iyo ismamulada inay u sheegaan dugsiyada iyo kolejyada dwlada in wakhtiga la furayo la badalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here