Shacabka kenyaanka oo maalinkii labaad udaawasho tagey meydka Moi

Waxaa maalinkii labaad madaxda iyo shacabka Kenyaanka udaawasha tageyn meydka madaxweynihi labaad ee dalka ee Mzee Daniel Arap Moi kaas oo yaala aqalka barlamaanka ee dalka.
Madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki ayaa kamid ahaa hogaamiyayaashi maanta udaawasha tagay meydka Moi.
Mr Kibaki oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa tagay abaaro 11-kii barqanimo ee maanta.
Shacabka Kenyaanka ayaa saaka 5-tii arrornimo tagay gobta si ay ixtiraam ugu muujiyaan meydka madaxweynihii hore.
Waxaa la filaya Dhowr hoggaamiyayaal in ay tagaan aqalka barlamaanka ee dalka si ay u arkaan haraadiga madaxweynihii hore.
Madaxa adeega ee dadweynaha dalka Joseph Kinyua ayaa sheegay in birito ay ku egtahay udaawasha taga meydka madaxweynihi hore.
Shalay ayey ahayd markii In ka badan 20,000 Kenyan ah ay isugu yimaadeen aqalka baarlamanka si ay u arkaan meydka madaxweynihi hore ee dalka Daniel Arap Moi.
Maalinka Talaadada ayaa baroordiiqa qaran lagu qaban doona garoonka Nyayo National Stadium ee Nairobi.
Kadib maydka ayaa loo duuli doonaa Kabarak ee ismaamulka Nakuru.
Madaxweynihii hore ayaa lagu aasi doonaa gurigiisa Kabarak maalinka Arbacada, ee ku beegan 12 Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here