Shacabka Khalaliyoow ee Mandera oo ayax ka cabanaya

Waxay cabasho ka soo yeeraysaa shacabka ku nool degmada khalaliyoow ee duleedka magaalada Mandera kaddib ayax halkaasi ku degay .
Dowladda ayay ugu baaqeen inay si degdeg ah wax uga qabato dhibaatada soo foodsaartay.

Dhanka kale shalay ayay ahayd markii madaxda ismaamulka Wajeer ay dowladda ka codsadeen inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo looga hor tagayo saameyn soo gaari karta daaqa maadaama laga cabsi qabo inuu xaalufiyo ayaxa la rumeysan yahay inuu ka soo wareegay dhanka soomaaliya.
Meelaha ayaxa lagu arkay waxaa ka mid ah deegaanka Giriftu ee Wajeer oo shacabka ku nool ay ku dadaalayaan inay la tacaalaan sida uu ku soo warramayo Cabdiraxmaan Mucaawiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here