Shacabka ku nool ismaamullo ay Garissa ka mid tahay oo digniin loo diray

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in iskuduwayaasha ammaanka ee gobollada iyo guddoomiyaasha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamullada Garissa, Murang’a, Taita Taveta, Elgeyo Marakwet, galbeedka Pokot Tana River iyo Kitui lagu amray inay ku dadaalaan sidii loo badbaadin lahaa nolosha dadka deggan meelaha ay inta badan daadadka saameeyaan.
Shacabka ku nool hareeraha webiyada ayaa laga doonaya inay u wareegaan meelaha uu jooggoodu sarreeya si aynan dhibaato uga soo gaarin dhul go’o ama fatahaado ka dhalan karo roobabka ka da’aya qeybo ka mid ah wadanka.
Matiangi ayaa dadweynaha kula taliyay inaynan fududeysan digniinnada la jeedinaya.
Dhanka kale Dowladda ayaa ku howlan inay gargaar u fidiso ugu yaraan 4000 oo qoysas ah kuwaasoo ku barakacay dhul go’o laga soo tabiyay xadka ay wadagaan ismaamullada dariska ah ee Elgeyo Marakwet iyo galbeedka Pokot.
Ilaaa iyo hadda waxaa halkaas ku dhintay 12 qof .
Dadaallada dowladda ay wado waxaa hor kacaya isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here