Shacabka ku safraya mataatuuda oo loogu baaqay inaysan aad isugu dhawaan

Dowladda dhexe ayaa rakaabka adeegsado baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda iyo mootooyinka ugu baaqday inay raacaan tallaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in rakaabka aysan aad isugu dhawaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cudurka COVID19 uu dhab yahay welina halistiisa ay ka jirto dalka iyo caalamka .
Mr. Oguna ayaa wadayaasha mataatuuda iyo rakaabka uga digay inay fududeystaan caabuqa corona isagoo xusuusiyay in khatartii bishii saddeexaad ee sannadkan ay weli jirto.
Afhayeenka ayaa soo jeediyay in hadii howlwadeenada mataatuuada ay ku adkeystaan in qofka rakaabka ah uu midka kale ku dhawaado oo aysan isku jirin hal miitir , in sawirro la qaado kaddibna maamullada ammaanka lala wadaago si tallaabo sharciyeed loo guda galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here