Shacabka Kwale oo madaxweynaha ugu baaqay inuu xayiraadda qaado

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ka codsaday inuu meesha ka saaro xayiraadda lagu mamnuucay in la soo galo ama laga baxo ismaamullada Nairobi, Mombasa iyo Mandera.
Waxay sheegeen inay u hoggaansameen amarrada iyo talooyinka caafimaad ee dowladda ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Sido kale waxay cabasho ka muujinayaan inay saameyn dhanka nolosha ah ka soo gaartay tallaabooyinka ay dowladda qaadday ee lagula dagaalamaya cudurka.

Dareenka shacabka ayaa ku soo aadaya iyadoo la filayo in hoggaamiyaha dalka uu maalinka Isniinta ee toddobaadka soo socdo uu amarro dheeraad ah ku dhawaaqo.
Waxaa la rajeynaya in Mr. Kenyatta uu fududeeyo qaar ka mid ah tallaabooyinkii ay horay dowladda dhexe ugu dhawaaqday .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here