Shacabka Liibiya oo xayiraad buuxda la saaraya

Dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee dalka Liibiya fadhigeeduna yahay magaalada Tripoli ayaa sheegtay inay soo rogi doonto xayiraado buuxa oo dhanka isku socodka ah.
Tani ayaa timid kaddib markii ay kordheen kiisaska cudurka COVID19.
Guud ahaan caalamka in ka badan 17.2 milyan oo qof ayuu saameeyay fayraska corona.
Waxaa ka bogsaday ugu yaraan 10 milyan halka dadka u dhintay ay tiradoodu tahay ugu yarana 673,000 qof sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here