Shacabka Maraykanka oo badankoodu sheegay inay aqbalayaan natiijada doorashada guud

Iyadoo lagu wado in bisha soo socoto ee Nofeembar ay doorasho guud ka dhacdo Maraykanka , ayaa darasaad la sameeyay lagu ogaaday in shacabka badankoodu ay oggolaan doonaan natiijada soo baxdo.
Cilmi baaristan ayaa waxaa sameysay shirkadda IPSOS intii u dhexeysay 13-kii ilaa 20-kii bishan.
Warbixinta IPSOS waxaa ku cad in boqolkiiba 79 ee muwaadiniinta Maraykanka oo ay ka mid yihiin boqolkiiba 59 doonaya inay mar kale u codeyaan Donald Trump ay aqbali doonaan natiijada doorashada guud xita hadii uu ku soo baxo Joe Biden .
Inta sheegtay inaysan ogolaan doonin guusha Biden boqolkiiba 16 waxay xuseen inay tallaabo ay kaga soo horjeedaan ay qaadi doonaan sida dibadbax ama rabshad kicin.
Sidoo kale boqolkiiba 73 oo ay ka mid yihiin 57 boqolkiiba oo taageersan ololaha madaxtinimo ee Biden waxay sheegeen in hadii ay Trump guusha raacdo ay ku qanci doonaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here