Shacabka Marsabit oo walaac ka muujiyay dilal halkaasi ka dhacay

Dadweynaha ku nool ismaamulka Marsabit ayaa dowladda ugu baaqay inay wax ka qabato amni darrada halkaasi saamaysay ee ilaa iyo hadda lagu dilay 11 qof.
Dilka ayaa ka dhacay tuulada Forolle ee ku taalla xadka ay wadagaan wadamada Kenya iyo Itoobiya
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lagu dagaalamay biyo balse waxaa dhanka kale soo baxaya warar ah in dadka la dilay ku guda jireen howlo la xariira ka shaqaynta amniga iyo xasiloonida deegaanadaasi

Agaasimaha isgaarsiinta ee waaxda qaran ee adeega booliska Mr. Charles Owino ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay samaynayso wax waliba oo karaankeeda ah si xaaladda Marsabit ka jirto wax looga qabto.
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inay saraakiisha ammaanka si dhow ula shaqeyaan si looga hor tago haddii ay dhacaana qaabka habboon loogu xalliyo falalka amni darro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here