Shacabka Mombasa oo cabasho ka muujinaya shaqaalaha gaadiidka dadweynaha

Dadweynaha ku nool ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa sheegaya in weli shaqaalaha baabuurta dadweynaha ee mataatuuda aynan dhaqangelin amar ka soo baxay Dowladda dhexe.
Waxaa meelaha baabuurta laga raaco lagu arkaya dad aad ugu dadaalaya inay gacmaha dhaqdaan si ay uga hor tagaan in la isku gudbiyo coronavirus.
Mataatuuleyda ayaa dhankooda sheegaya inay ku adkaatay soo iibashada waxyaabaha gacmaha lagu nadiifiyo maadaama qiimaha la kordhiyay
Shalay ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda gaadiidka Mr. James Macharia uu booliska baabuurta kala hago ee loo yaqaano taraafikada iyo maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka ee NTSA ku amray inay hubiyaan u hoggaansanka xeerarka la xiriira badqabka rakaabka baabuurta dadweynaha ee (PSVs).
Amarkan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka caabuqa coronavirus ee (Covid-19)
Mr. Macharia ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu kormeerayay diyaargarowga ilaa iyo hadda ay sameysay waaxda maareysa khadadka tareenada ee dalka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dowladda ay ka hor tagga faafidda cudurka ilaa iyo hadda saameeyay 156 waddan ka qeyb gelinayso dhammaan daneeyaasha howlaha gaadiidka ee dhanka dowladda iyo kuwa gaarka ah.
Wasiirka ayaa xusay in cudurka Covid-19 oo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ku tilmaantay safmar uu yahay mid degdeg ah oo aan loo baahneyn in la fududeysto.
Waxaa uu intaas ku daray in saraakiisha la howlgelinayo si ay u xaqiijiyaan inuunan cariiri ka dhex jirin tareenada ay dadka badan ku safraan si aan cudurka la isugu gudbin.
“Booliska taraafikada iyo shaqaalaha NTSA waxaan amar ku siinay inay xaqiijiyaan ilalainta shuruucda nadaafadda ee gaadiidka kala duwan” ayuu yiri Macharia.
Wuxuu intaas ku daray in maamulladan ay ku wareegi doonaan meelaha baabuurta laga raaco sido kalena ay kormeer ka fulin doonaan waddooyinka waweyn si baabuurkii aan shuruucdan u hoggaansamin loogala wareego leesinka shaqo.
Dowladda ayaa sheegtay in hannaanka gaadiidka tareenada iyo baabuurta dadweynaha ay raacaan oo si dhow loola socdo ay xakameyn karto faafidda cudurka.
Ugu yaraan 3 milyan oo qof ayaa maalin kasta adeegsada baabuurta dadweynaha eek u kala goosho xaafadaha caasimadda wadanka halka tareenadda ay qaadaan ilaa 35,000 qof maalinkii.
Adeegga marinka casriga ee tareenada ee SGR maalin kasta inta u dhaxaysa Nairobi iyo Mombasa waxaa adeegsado 6,000 oo qof.
Waaxda maareynta khadadka tareenada ee Kenya Railways ayaa sheegtay inay sameysay ilaa 20 goobood oo biyo laga heli karo si rakaabka ay gacmaha saabuun ugu dhaqdaan ka hor inta aynan tareenka raacin.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in baabuurta sida gaarka ah loo leeyahay iyo takaasida gaar ahaan kuwa ka shaqeeya meelaha ay dadweynaha badan isticmaalaan sida garoonka diyaaradaha ee JKIA , laga doonayo inay ilaaliyaan nidaamyada nadaafadda.
Wasaaradda gaadiidka ayaa maalin kasta wadayaasha takaasida u qabanaysa ilaa saddex fadhi oo lagu wacyigelinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here