Shacabka Muqdisho ka cabanaya waddooyinka Xiran ee Caasimadda

Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa si aad ah uga cabanaya wadooyinka Xiran ee Muqdisho.
Shacabka ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa saaka ku waa bariistay waddooyinka muhiimka ah oo xiran waxaana Wararku sheegayaan in sababaha waddooyinka loo xiray ay tahay Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo imaanaya Muqdisho.
Shacabka Muqdisho ku nool ayaa sheegay inaysan marna filayn in madax maamul goboleed loo xiro waddooyinka Muqdisho maadaama ay madaxda maamuladu horay Caasimada u imaan jireen aysana jiri jirin wax waddooyin ah oo loo xiri jiray.
Waxaa Maanta Xirin Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, Caasimadda Soomaaliya waxaana ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarrama, sidoo kale isgoysyadda ugu muhiimsan Caasimada Muqdisho ayaan saaka la ogolayn inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here