Shacabka Muqdisho oo ka hadlay waddooyinka dhagxaanta laga qaaday

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday dhagxaanta yaalay bartamaha Wadooyinka Muqdisho oo muddo sannado ah ay shacabku dhibaato ku qabeen.
Isgosyada iyo baaraha kontoroolada ee dhagaxaanta laga qaaday waxaa ka mid ah sanca, siinay, Seybiyano ,Tarbuunka , Sh Cali suufi iyo kuwo kale .
Qaar ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay dhagxaantaa la qaaday waxayna sheegeen inay fududayn doonto isu socodka Magaalada Muqdisho.
Shacabka qaarkood ayaa dhanka kale sheegay in dhagxaanta la qaaday balse isu gudubka aan wali la ogolaan.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in la xiray oo dhagaxaan la geeyay wadada Warshadaha, waxaana markii ugu horreysay la xiray Jidcadayaasha wadada Warshadaha sida ay wararka Magaalada Muqdisho ka imaanaya ay sheegayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here